Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israa'iiliyiin Lagu Dilay Weeraro Mindiyeen ah


Sarkaal booliis Israeli ah oo ag taagan meydka qof Falastiini ah oo ay toogteen, markii uu weerarka minidida qaaday kadib.
Sarkaal booliis Israeli ah oo ag taagan meydka qof Falastiini ah oo ay toogteen, markii uu weerarka minidida qaaday kadib.

Booliiska Israel ayaa ku warramay weeraro kale oo mindi loo adeegsaday oo saddex qof oo Israa’iiliyiin ahaa lagu dilay.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in mid ka mid ah weerarada uu ahaa laba qof oo toogasho iyo mindi ku weeraray rakaab saarnaa bas socday magaalada Jerusalem, halkaasi oo qof ay ku dileen afar kalena ay ku dhaawaceeen. Ciidamada difaaca Israel waxa ay sheegeen in labad qof lagu toogtay bartii weerarka.

Qeyb kale oo Jerusalem ka mid ahna, nin ayaa baabuur ku dhuftay dad taagnaa meel basaska laga raaco, kadibna waxa uu kasoo degay baabuurka isagaa oo dabadeedna billaabay inuu mindi la dhaco dadka. Hal qof ayaa goobtaas ku naf waayey dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Weerar saddexaadna waxa uu ka dhacay deegaanka Raanana ee woqooyiga Tel Aviv, halkaasi oo mas’uuliyiinta ay sheegeen in qof uu mindi ku weeraray qof rayid ah, ka hor inta aan laga fara-maroojin mindidiisa oo aysan booliisku xirin.

Ugu yaraa toddoba qof oo Israeliyiin ah ayaa lagu dilay, 25 kalena waa ay ku dhaawacmeen weeraro mindi loo adeegsaday oo labadaii toddobaad ee tagay ay geysteen Falastiiniyiinta.

XS
SM
MD
LG