Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Isku dhac dhexmaray ciidamada DKMG


Isku dhac dhexmaray ciidamada DKMG
Isku dhac dhexmaray ciidamada DKMG

Ugu yaraan 3 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa dhintay kadib markii isku dhac dhexmaray ciidamo kawada tirsan DKMG

Isku dhac dhexmaray ciidamo kawada tirsan DKMG aya la sheegay inay ku dhinteen 3 askari, waxaana ku dhaawacmay 5 qof oo kale.

Isku dhacan dhex marey ciidamada kawada tirsan dowladda KMG ah ayaa ka bilowdey bar Control oo ku taala deegaanka Dherkeynley oo ay ciidamadu ka qaadan jireen lacago gaadiidka dadweynaha ee isticmaala wadadaas.

Inta uu socdey iska hor-imaadka ayaa waxaa hakad uu ku yimid isku socodkii dadka iyo gaadiidka ee deegaanka lagu dagaalamey.

Ma ahan markii ugu horeysey ee ay ciidamada dowladda iyaga dhexdooda dagaalamaan waxaana isku dhacyadoodda ay ku saleysan yihiin intooda badan lacagaha laga qaado gaadiidka isticmaala goobaha ay gacanta ku hayaan.

XS
SM
MD
LG