Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ISIS oo Sheegatay Weerar ka Dhacay Jarmalka


Wasiirka gudaha ee gobolka Bavaria ee dalka Jarmalka Joachim Herrmann ayaa sheegay in booliiska ay calanka kooxda Daacish ka dhex heleen waxyaabo uu lahaa wiil dhallinyar oo weerar mindi ka dhex gaystay tareen, maalintii Isniinta.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, sida lagu sheegay wakaaladeeda wararka Aamaq waxyar kadib markii weerarka uu dhacay.

Sida lagu sheegay qoraalka, wiilka weerarka gaystay ayaa ka mid ahaa kooxda Daacish, wuxuuna weerarka go’aansaday kadib markii taageerayaal ay ugu baaqeen inuu weeraro dalalka reer galbeedka.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in qofka weerarka gaystay uu ku qeylinayey Allahu Akbar, markii uu weerarka fulinayey.

Dhowr qof ayaa lagu dhaawacay weerarka, waxaana ka mid ahaa qoys Shiinees ahaa oo laba ka mid ah ay xalaad halis ah ku sugan yihiin.

Wiilka weerarka gaystay oo ahaa 17 jir qaxooti ah oo kasoo jeeday dalka Afghanistan ayaa waxaa toogasho ku dilay booliiska.

XS
SM
MD
LG