Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ISIS oo Baahisay Video-ga Ragii Weeraray Paris


Dad xusuusanaya dhibanayaasha weerarkii Paris (Sawir hore)
Dad xusuusanaya dhibanayaasha weerarkii Paris (Sawir hore)

Video-gan ayaa waxaa kasoo dhex muuqday sagaal mintid oo fuliyey weerarkii Paris, kuwaas oo ay ISIS ugu yeertay "Libaaxyo"

Kooxda Daacish, ayaa sii deysay video u muuqda inuu muujinayo sagaal mintidiin ah oo ka qeyb galay weeraradii argagixiso ee magaalada Paris, iyo gowraca iyo dilka maxaabiis ku sugnaa Ciraq iyo Syria.

Video-gan ayaa waxaa ku jira qeybo ka mid ah weeraradii November ee Paris, waxaana uu ku tilmaamay kuwii ka qeyb galay weerarka inay ahaayeen “Libaaxyo”, jilbaha dhulka u dhigay France.

Dhammaan sagaalka mintid, ayaa ku naf waayey weerarka, ama weeraro ay booliiska qaadeen kadib weerarka.

Xigjiriinta fuliyey weerarkan oo badankood ka yimid Belgium ama France, ayaa ugu yaraan 130 qof ku dilay qaraxyo iyo xabado lala beegsaday dhowr goobood oo ka mid ah magaalada Paris.

Video-ga ayaa waxaa sidoo kale ku jira ra’iisul wasaaraha Britian David Cameroon, waxaana uu ka digay in kuwa aan Allaha aaminsaneyn ay “Bartilmaameed u noqon doonaan seefta kooxdan”.

Britain ayaa waxa ay qeyb ka tahay isbaheysiga Mareykanka uu hoggaaminayo ee duqeymaha ka dhanka ah Daacish ka wada Ciraq iyo Syria.

XS
SM
MD
LG