Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Isbeddal lagu Sameeyay Golaha Wasiirrada DKMG


Isbeddal lagu Sameeyay Golaha Wasiirrada DKMG
Isbeddal lagu Sameeyay Golaha Wasiirrada DKMG

Ra’iisul wasaaraha DKMG Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Jimco ah isbaddel iyo isku shaandheyn ku sameyay golahiisa wasiirada waxaana uu magacaabay wasiir ku xigeenno iyo xubno wasiiru dowlayaal.

Magacaabistan ayaa lagu xusay wareegto ka soo baxday R/W Gaas oo uu soo ansixiyay madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sh. Axmed.

Liiska wasiiradda ayaa waxaa ka dhex muuqdo ilaa afar mudane oo ka tirsan labada garab ee uu baarlamaanka KMG u kala jabay.

Isbeddalka golllaha wasiiradda ayaa waxaa uu saameeyay wasiiru-dowlayaasha iyo wasiir kuxigeenno iyadoo xubnaha xilalka la isku weydaariyay ay qaarna xilalka waayeen, inkasta oo ay jiraan xilal cusub oo la soo kordhiyay sida wasiir-dowlaha xafiiska R/wasaaraha iyo wasiiru-dowlaha xiriirka Baarlamaanka iyo Xukuumadda.

Isku-shaandheyntaasi kaddib ayaa madaxweye Shariif iyo R/Wasaare Abdi wali Gaas waxay u kala dhoofeen magaalada Addis Ababa iyo Dalka Talyaaniga. Mweyne Shariif ayaa Addis Ababa uga qeybgalaya shirka madaxda Afrika.

XS
SM
MD
LG