Isku xirrada

War Deg-Deg ah

IRAN: Wadahadal Waan Galeynaa


Iran ayaa xaqiijisay inay maalinta Sabtida ah ee soo socota magaalada Istabuul kula kulmeyso awoodaha reer galbeedka, hase yeeshee waxa ay ku boorineysaa in shuruudaha ay hor dhigeen Iran ay meesha ka saaraan ka hor inta aan laga wada hadlin arinta Nukliyeerka.

Golaha Sare ee Amaanka Iran ayaa xaqiijiyay isniintii shalay inuu la kulmi doono shanta xubnood ee joogtada ka ah ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, oo kala ah Mareykanka, China, Russia, Britain iyo France – oo lagu daray Germany

Iran ayaa dooneysa in wareeg kale oo wadahadalo ah uu ka dhaco magaalada Baghdad, waqti dambe, si looga wada xaajoodo arinta ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka Iran ee lagu muransanyahay.

Wax jawaab ah oo durbadiiba ka soo baxay awoodahan dunida ee arintan ku lugta leh ma laha. Iran ayaa ka caga jiideysay in wada hadalku uu ka dhaco Istanbuul, iyadoo ku andacooneysay in Turkiga uu ka soo horjeestay dalka Syria oo ay muddo xulufo ahaayeen.

XS
SM
MD
LG