Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Faafinayey Shiico oo Hargeysa lagu Xukumay


Maxamed Raasa Xuseen oo ka mid ahaa dadkii xukunka lagu riday
Maxamed Raasa Xuseen oo ka mid ahaa dadkii xukunka lagu riday

Dadkan ayaa ahaa laba qof oo Pakistani ah iyo qof dumar oo Soomaali ahayd, oo lagu eedeeyey inay shiicada ku faafinayeen Somaliland

Maxkamadda degmada Hargeysa ee Somaliland ayaa maanta xukun xadhig, ganaax iyo masaafuris isugu jira ku ridday saddex qof oo laba ka mid ahi ay u dhasheen dalka Pakistan, kuwaas oo ku eedaysnaa inay mad-habta shiicada ku faafinayeen Somaliland.

Qofka saddexaad ee maxkamadda ay xukunka ku ridday ayaa ahayd qof dumar ah oo Soomaali ah, taas oo ku eedaysneyd inay marag been ah furtay.

Xukunkan oo maanta uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda degmada Hargeysa Cabdirashiid Maxamed Xirsi (Beergeel), ayaa sheegay in dadkan ay ku howlanaayeen qal-qal gelinta caqiidada Islaamka ee Sunniga ah ee Somaliland ay aaminsan tahay.

Cabdirashiid Maxamed Xirsi (Beergeel), waxa uu sidoo kale sheegay in eedeysanayaasha oo qaar la xukumay ayaga oo maqan ay qeybiyeen illaa 200 oo buug oo ku turjaman Af-Soomaali, kuwaas oo madhabta shiicada ka hadlaya.

Weriyaha VOA Barkhad Kaariye oo ku sugnaa xarunta maxkamadda marka xukunku dhacayay, ayaa warbixintan nooga soo diray Hargeysa.

Somaliland oo xukuntay dad shiico faafinayey
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:33 0:00

XS
SM
MD
LG