Isku xirrada

War Deg-Deg ah

VOA oo wareysatay Zakariye Ismaacil


Dhageyso Wareysiga Zakariya Ismaaciil
please wait

No media source currently available

0:00 0:13:02 0:00


Zakariye Ismaaciil Xirsi oo horey uga tirsanaa madaxda ururka al-Shabab ayaa sheegay in ururka Al-Qaacida ay xiriirka u jareen ururka Al-Shabab.

Waraysi khaas ah oo uu siiyey idaacadda VOA ayaa Zakariye Ismaaciil Xirsi uu ku sheegay in Al-Qaacida uu xiriirka ka goostay Al-Shabab.

Waraysiga ayuu ku sheegay in ururka Al-Qaacida aysan tacsi usoo dirin Al-Shabab kadib markii la dilay oggaamiyihii hore ee ururkaas Axmed Cabdi Godane.

Zakariye Ismaaciil waxa uu sheegay in uusan filayn in Al-Shabab ay ku biiraan ururka ka dagaalama waddamada Siiriya iyo Ciraaq ee ISIS ama IS. Waxa uu sheegay inay iman karaan duruufo ku kallifa Al-Shabab inay ku biiraan balse aanu haatan filayn inay taasi dhacdo mustaqbalka dhow.

Zakariye Ismaaciil Xirsi oo wax laga weydiiyey bartilmaameedsiga hoggaamiyayaasha Al-Shabab ayaa sheegay in qaabka lagu waajahayo Al-Shabab ay u baahan tahay istiraatijiyo dhammaystiran oo oo iskugu jira qaab dhinaca diinta ah, warbaahinta iyo siyaasadda.

Waxa uu sheegay in mustaqbalka fog bartilmaameedsiga shaqsiyaadka ah uusan wax saamayn ah ku yeelan doonin Al-Shabab.

Waraysigan waxaa Zakariye la yeelatay Sahra Cabdi Axmed.

XS
SM
MD
LG