Isku xirrada

War Deg-Deg ah

India oo ka hadashay doonyo la afduubtay


Ciidamada Badda India
Ciidamada Badda India

Dowladda India ayaa maanta sheeggay in ay baadhitaan ku samaynaya warar sheegayay in burcad-badeedda Somalidu ay qabsadeen dhawr doonyood oo ay saarnaayeen in ka badan boqol madmaax oo Hindi ah.

Wakaaladaha wararka ayaa sheegaya in afduubka doonyahan ay soo sheegeen shaqaale saarnaa dooni laga lahaa dalka India oo ay todobaadkan sii daayeen burcad-badeedda Somalia.

Ciidamada badda ee India ayaa sheegay in mas'uuliyiinta gaadiidka baddaha la waydiistay in ay soo sheegaan doonyaha la la’yahay, laakiin ciidamada badda ee India waxay xuseen in ay doonayaan in ay kala caddeeyaan in dhamaanba doonyaha la sheeggay in la la’yahay ay yihiin qaar ay India leedahay iyo in kale.

Todobaadkan ayaa ciidamada India ee ka qayb qaadanaya hawlgalka la dagaallanka burcad-badeedda waxaa ay ka hor tageen oo ay joojiyeen weerar ay burcad-badeedda Somalidu la damacsanaayeen in ay ku qaadaan markab wayn oo kuwa shixnaddaha qaada ah oo marayay meel ka baxsan xeebaha wadanka India.

Wargeyska the Times of India ayaa qoray in 8-da doonyood ee la sheegay in la la’yahay ay ka soo kicitimeen dalka Somalia, kuna sii jeedeen magaalada Dubai, wargeyskuna waxaa uu sheeggay inaanu wali jirin wax dalab ah oo ka soo baxay dhinaca burcad-badeedda Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG