Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Imaaraadka iyo Xoolaha Dalka Soomaaliya


Imaaraadka iyo Xoolaha Dalka Soomaaliya
Imaaraadka iyo Xoolaha Dalka Soomaaliya

Wargeys ka soo baxa dalka Imaaraadka ayaa sheegay in dalka Imaaraadka la soo geliyo xoolo badan oo aan soomarin Tallaal, kuwaasoo laga yaabo inay xanuuno qabaan.

Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay adkeyneyso sharciyada uga yaalla xoolaha uga yimaada dalka Soomaaliya.

Ka dib markii sida la sheegay inay soo baxeen waxyaabo ay ku kacaan ganacsatada Soomaalida ee xoolaha keena dalkaasi.

Wargeys ka soo baxa dalka Imaaraadka oo lagu magacaabo al-Itixaad ayaa qoray warbixin tilmaameysa in ganacsatadu ay Imaaraadka geliyaan xoolo aan caafimaadkooda la hubin ammaba aan la tallaalin.

Warkaasi waxaa beeniyay ganacsatada xoolaha ee Soomaaliya, oo ku tilmaamay warka uu faafiyay wargeysku mid lagu majaxaabinayo ganacsiga xoolaha Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG