Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Imaam Max'uud: Hala sii daayo Lamaanaha


Imaam Max'uud Imaam Hiraab ayaa ugu baaqay kooxaha haysta lamaanaha Birtish-ka inay si deg-deg ah u sii daayaan.

Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ka mid ah duubabka ugu caansan Somalia ayaa ugu baaqay kooxda haysata lamaanaha British-ka inay sii daayaan.

Xaallada Caafimaad ee lamaanaha British-ka ah ee lagu haysto bartamaha Somalia ayaa lagu soo warramayaa inay sii liidanayso, iyadoo ilaa haatan aan lagu guuleysan siideyntooda.

Dr. Cabdi Maxamed Xangul oo ah dhakhtar Somaliyeed dhawaana booqday lamaanahan ayaa VOA-da u sheegay in xaalladooda ay tahay mid aad u adag. Dr. Xangul wuxuu sheegay in lamaanuhu ay aad uga walaacsan yihiin kala noolaashiyahooda oo mid-walba si gaar ah meel loogu haysto.

Dhinaca kalena, Jaalliyada Soomaalida eek u nool dalka Britain ayaa maalmahan waday ololle ay ku dalbanayaan in la sii daayo lamaanaha afduubka loo haysto. Dadkaasi waxay cabireen in dalka Britain uu soo dhaweeyey qaxooti fara badan oo Soomaali ah. Cabdi Shire oo ah abwaan ka mid ah jaalliyada Soomaalida ee UK ayaa isna tiriyay hees uu ugu magac daray “Sii Daaya Lamaaha”.

Warbixinno kala duwan oo ku saabsan Xaallada lamaanaha iyo aragtida Jaaliyada Somalida ee London ka dhagayso midigta sare ee boggan.

XS
SM
MD
LG