Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ilaa 80 Tahriibayaal ah oo Xeebaha Yemen ku Qaraqmay


Ilaa 80 Tahriibayaal ah oo Xeebaha Yemen ku Qaraqmay
Ilaa 80 Tahriibayaal ah oo Xeebaha Yemen ku Qaraqmay

Ilaalada xeebaha dalka Yemen ayaa sheegay in ugu yaraan 80 qof oo tahriibayaal u badan Itoobiyaan ay ku qaraqmeen xeebaha ku dhow Baabal Mandab.

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Yemen ayaa sheegay in tahriibayaal gaaraya 80 qof oo tahriibayaal Afrikaan ihi ay dhinteen ka dib markii ay badda kula qaraqrameen dooniyihii ay la socdeen. Dadkaasi waxay u badnaayeen Itoobiyaan, sida ay sheegeen ilaallada xeebaha dalka Yemen.

Ilaa labo doonyood ayay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Yemen sheegtay ku qaraqmeen xeebaha Baabal Mandab, Raasul Caarra iyo Curda, ka dib markii ay dabayl ku heshay gudaha badda.

Ilaalada dalka Yemen ayaa sheegay in 40 ka mid ah tahriibayaashaasi la xaqiijiyay inay dhinteen halka inta kalena lagu la'yahay biyaha badda, marka laga reebo saddex qof oo Soomaali ah oo loogu tegay iyagoo nool xeebaha gobolka Curda.

Sanad walba waxaa xeebaha Yemen ku haligma tahriibayaal Soomaali iyo Itoobiyaan oo doonaya inay si sharci darro ah ku galaan dalka Yemen.

XS
SM
MD
LG