Isku xirrada

War

IGAD: Waa in la Balaadhiyaa Hawlgalka AMISOM


Xoghayaha Guud IGAD

Xoghayaha Guud IGAD

Urur goboleedka IGAD ayaa soo dhaweeyay in la balaadhiyo hawlgalka nabad ilaalinta ee Somalia.

Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD ee xaruntiisu ay tahay dalka Djibouti Maxbuub Macalin Mohamed oo Waraysi siiyay VOA-da isaga oo jooga magaalada Nairobi waxaa uu kaga waramay sida ay urur goboleedka IGAD ay u arkaan dhawaaqa ka soo yeedhay dawladaha Maraykanka Iyo Britain ee ku saabsan in aad loo xoojiyo ciidamada nabad ilaalinta ee ku sugan dalka Somalia, oo isla markaasna laga yaabo in hawl galka Somalia laga dhigo mid ay Jimciyada Quruumahu waddo.

Xogahayaha ayaaa tilmaamay in IGAD ay horeu soo bandhigtay qorshahan.

Mr Maxbuub ayaa sidoo kale ka warramay waxyaabaha ay isla soo qaadeen isaga iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Camr Muusa oo ay dhawaan ku kulmeen magaalada Qaahira.

Waraysiga Xogahaya oo dhamaystiran ka dhegayso midigta sare ee boggan.

XS
SM
MD
LG