Isku xirrada

War

IGAD oo ka shirtay Xaaladda Somalia


IGAD oo ka shirtay Xaaladda Somalia

IGAD oo ka shirtay Xaaladda Somalia

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee IGAD ayaa shir ka yeeshay mukhiladda Somalia. Wasiiraddu waxay soo dhaweeyeen heshiiskii Kampala.

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee IGAD ayaa shir aan caadi ahayn oo yeesheen waxay uga hadleen xaaladda dalka Somalia, Sudan iyo Eritrea.

War-murtiyeed ay shirkaasi ka soo saareen waxay ku soo dhaweeyeen heshiiskii madaxda Somaalidu ay ku gaareen Kampala, magacaabista iyo ansixinta raisal-wasaaraha cusub.

Wasiiradu waxay ugu baaqeen dalalka IGAD inay cayimaan taageerrada militari ee ay siinayaan ciidamada dowladda.

XS
SM
MD
LG