Isku xirrada

War Deg-Deg ah

IGAD oo Ethiopia ka Codsatay inay Gacan Siiso AMISOM


IGAD oo Ethiopia ka Codsatay inay Gacan Siiso AMISOM
IGAD oo Ethiopia ka Codsatay inay Gacan Siiso AMISOM

Madaxda IGAD ayaa Ethiopia ka codsaday inay gacan siiso dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ay wadaan AMISOM, Kenya iyo DKMG.

Go’aankan ayay madaxda IGAD ka soo saareen shir ay maanta ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Madaxda IGAD ayaa dhinaca kalena dowladda Kenya ugu baaqay in ciidankeena ay ku biiriso ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka howlgalla.

Codsiga Ethiopia loo soo jeediyay ayaa u muuqda inuu dalka Ethiopia siiyayo fursad ay mar kale dib ugu gasho dalka Soomaaliya. Ethiopia ayaa sheegtay inay jawaab deg-deg ah codsigaasi ka bixin doonto.

Ciidamo ka tirsan Ethiopia ayaa ku sugan degmada Guriceel ee bartamaha Soomaaliya kaddib markii ay toddobaadkii hore gudaha u galeen Soomaaliya.

Qeybta hoose ka dhageyso War murtiyeedka Shirka IGAD ee Addis Ababab iyo falanqeyn ku saabsan war murtiyeedkaasi.

XS
SM
MD
LG