Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ICRC oo ka Hadashay Dhaawacyada


ICRC oo ka Hadashay Dhaawacyada
ICRC oo ka Hadashay Dhaawacyada

Hay'adda ICRC waxay sheegtay in dhaawacyada sanadkii la soo dhaafay ay gaareen heerkii ugu sarreeyay muddo 10 sano ah.

Warbixintan ay soo saartay hayada laan-qayrta cas ee caalamiga ahi ayaa waxaa lagu sheeggay in cusbitaalada ugu waaweyn ee ku yaalla magaalada Mogadisho ee Keysaney iyo Madiina lagu daweeyay dad ka badnaa lix kun oo qof oo ay dhaawacyo soo gaareen, dadkaasoo ay hayadu sheegtay in ku dhawaad 40% ay ahaayeen dumar iyo caruur.

Sida uu sheeggay Pascal Mauchle oo hayadda ICRC-da ugu qaabilsan hawl galkooda dalka Somalia dadka dhaawaca ah ayaa waxaa wakhti walba la soo gaadhsiinayay cusbitaalada, xiitaa habeenkii saqda dhexe.

Hayada ICRC-da oo ka mid ah hayadaha faro ku tiriska ah ee wali ka shaqeeya dalka Somalia ayaa waxaa la sheeggay inaanay haynin tirooyin ku saabsna dadka sanadkii hore ku dhintay dagaalada magaalada Mogadisho, laakiin dadka ku dhaawacmay dagaaladaasi ayaa waxaa ay sheegeen in ay tiradoodu sii badanayso sanadba sanadka ka dambeeyo.

Tirada dadkii ku dhaawacmay dagaalada Muqdisho sanadkii 2008-dii waxay ahayd 2,800 oo qof, Sanadkii 2009-kii waxaa ku dhaawacmay tiro gaaraysa 5,000 oo qof, halka sanadkii 2010-kii ay tirada dhaawacu gaartay heerkii ugu sarreeyay muddo 10 sano ah, waxayna noqotay 6,000 oo qof.

XS
SM
MD
LG