Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ICG: DKMG fursado ayay Lumisay


ICG: DKMG fursado ayay Lumisay
ICG: DKMG fursado ayay Lumisay

Hay'adda ICG ayaa sheegtay in dowladda KMG ah ay lumisay fursado badan oo ay wax ku qaban lahayd.

Kooxda Xasaradaha Caalamiga ee ICG ayaa warbixin ay ka soo saartay xaaladda Soomaaliya ay ku dhaliishay dowladda KMG ah ee Federaalka.

ICG waxay warbixinteeda ku sheegtay in dowladda KMG ah ay ku guul darreysatay inay ka faa'ideysato taageeradii beesha caalamka, ayna hayso khibrad yari dhanka maamul wanaagga.

Hase yeeshee khubarada lafa gurta arrimaha Soomaaliya waxay ku tilmaameen warbixintaasi inuu khaldaad badan ku jiro, isla markaana ay hay'addu habooneyd inay ka hadasho arrimo badan.

Faysal Cabdi Rooble oo wax ka qora arrimaha Geeska Africa ayaa VOA-da u sheegay in warbixintaasi ay ku jirto faragelin Soomaaliya uga imaneysa dhinacyo badan oo laga yaabo in Ethiopia iyo IGAD ay qeyb ka yihiin.

XS
SM
MD
LG