Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Safiirka Maraykanka ee Somalia oo la Dhaariyay


Safiirka Maraykanka ee Somalia oo Washington lagu Dhaarinayo
Safiirka Maraykanka ee Somalia oo Washington lagu Dhaarinayo

Dowladda Maraykanka ayaa Somalia u diraysa safiirkeedii u horreeyay muddo 25 sano ah. Safiirkan oo lagu magacaabo Stephen Schwartz ayaa shalay lagu dhaariyay magaalada Washington, kadib markii aqalka Senate-kuu uu bishii May anixisiyay.

Kuxigeenka kaaliyaha XAD Maraykanka Anthony Blinken, ayaa xafladii dhaarta safiirka Maraykanka ee Somalia wuxuu ka sheegay in Somalia ay horumar sameysay balse ay wali jiraan caqabaddo dhinacyada siyaasadda, dadaallada xasilinta iyo waliba caqabadaha dhinaca dib u kabashada dhaqaalaha iyo dagaalka Somalia kula jirto argagixisada”

Safiirka Maraykanka ee Somalia, Stephen Schwartz oo isna hadal jeediyay ayaa sheegay in in-kasta oo Somalia ay gacan ka heshay ciidamada Midowga Afrika, balse loo baahan yahay abuurista ciidan Somalia ah oo al-Shabaab ka adkaada"

Wuxuu yiri "Waxaa imika la joogaa wakhtigii ay mas’uuliyiinta Soomaaliya ay abuuri lahaayee ciidamo qaran oo Soomaali ah oo waxtar leh, jawaabna bixin kara, si ay uga adkaadaan al-Shabaab sidoo kale u mideeyaan dalka."

Warbixin: Safiirka Maraykanka ee Somalia oo la Dhaariyay
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:28 0:00

Munaasabadda lagu dhaariyey safiirka Maraykanak Stephen Shwartz waxaa shalay joogay safiirka Soomaaliya ee dalkan Maraykanka Axmed Ciise Cawad.

Sahra CabdI Axmed ayuu uga warramay tallaabadan horey loogu qaaday xiriirka diblomaasi ee Maraykanka iyo Soomaaliya.

Warbixin: Noloshii Burca Xamza
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:56 0:00

XS
SM
MD
LG