Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hub iyo Dad Lagu Qabtay Gaarisa


Rasaas, Bastoolado iyo Qasnado lagu soo bandhigay Gaarisa oo ay wateen dad lala xiriirshay Al-Shabaab. Aug 25 2015
Rasaas, Bastoolado iyo Qasnado lagu soo bandhigay Gaarisa oo ay wateen dad lala xiriirshay Al-Shabaab. Aug 25 2015

Dadka la qabtay waxaa ka mid ah sideed oo dalka Tanzania kasoo jeeda iyo rag kale oo Soomaali ah iyo gabdho loo waday guurka Al-Shabaab

Ciidamada ammaanka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa qabtay rag iyo haween lala xiriiriyey kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya, oo sida la sheegay qorsheynayey weeraro argagixiso.

Dadka la qabtay, ayaa waxaa sidoo kale lala qabtay hub isugu jira 7 bastoolad, 7 bam gacmeed iyo sanaadiiq, sida uu sheegay madaxa ammaanka gobolka waqooyi bari Kenya Maxamuud Saalax oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaarisa.

Dadka la qabtay waxaa ka mid ah sideed oo dalka Tanzania kasoo jeeda iyo rag kale oo Soomaali ah.

Maxamuud Saalax ayaa sidoo kale ku warramay inay xerada Dhadhaab kasoo qabteen laba gabar oo u kala dhashay dalalka Tanzania iyo Kenya, oo sida uu sheegay loo waday kooxda Al-Shabaab, si ay u guursadaan.

Waxa uu dadka la qabtay ku eedeeyey inay qorsheynayeen weeraro ay ka geystaan magaalada Gaarisa, halka qaar kalena ay u socdeen dalka soomaaliya si ay ugu biiraan Kooxda Al-Shabaab.

Sida uu Maxamuud sheegay, qabashada dadkan ayaa waxaa suurta-geliyey xog ay bixiyeen qaar ka mid shacabka Gaarisa, oo la xiriiray booliiska.

Shirka Jaraa’id ee Maxamuud Saalax, ayaa waxaa noo soo diray weriye Maxamed Faarax Shire

Warbixin: Dadka lagu xiray Gaarisa
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:41 0:00

Hoos ka eeg Sawirrada

Waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo ee Gaarisa lagu qabtay. Aug 25 2015
Waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo ee Gaarisa lagu qabtay. Aug 25 2015

Rasaas, Bastoolado iyo Qasnado lagu soo bandhigay Gaarisa. Aug 25 2015
Rasaas, Bastoolado iyo Qasnado lagu soo bandhigay Gaarisa. Aug 25 2015

Bastooladaha iyo Qasnadaha lagu qabtay Gaarisa. Aug 25 2015
Bastooladaha iyo Qasnadaha lagu qabtay Gaarisa. Aug 25 2015

Hubka gaarisa lagu soo bandhigay Aug. 25 2015
Hubka gaarisa lagu soo bandhigay Aug. 25 2015

XS
SM
MD
LG