Isku xirrada

War Deg-Deg ah

HRW: Tacaddiyo Ayaa Ka Jira Somaliland


Hay'addu waxa ay sheegtay inay sii kordhayso in dadka xanuunka dhimirka qaba lagu qasbo xarumaha lagu hayo, halkaas oo ay ku wajahaan tacaddiyo ba’an iyo xaalado xun.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in xadgudubyo waa weyn loo geysto dadka qaba xannuunka dhimirka ee magaalooyinka Somaliland.

Warbixinta Human Rights oo cinwaan looga dhiggay “Loo Jeebeeyay Sidii Maxaabiis’ waxaa lagu sheegay inay sii kordhayso in dadka xanuunka dhimirka qaba lagu qasbo xarumaha lagu hayo, halkaas oo ay ku wajahaan tacaddiyo ba’an iyo xaalado xun.

Hay’addu waxa ay sheegtay inay ogaatay in ragga looga shakiyo ama qaba xanuunka dhimirka ay wajahaan xarig xadgudub ah, garaac, daweyn qasab ah, iyo in la geeyo xarumo caafimaad oo guud ama gaar loo leeyahay oo buux dhaafay, ayada oo Intooda badanna aysan raali ka ahayn in la xiro islamarkaana awood uma laha in ay diidan xarigga.

“Halkii ay ka siin lahaayeen daweyn ku habboon oo ay raali ka yihiin ama soo kabsasho, ayaa xarumahan waxa ay ku dhaqaan dadka ku nool xeerar la mid ah kuwa xabsiga, karantiilid iyo daweyn qasab ah,” waxaa sidaa tiri Laetitia Bader, oo ah cilmi baare Human Rights Watch u qaabilsan Afrika. Waxa ayna intaa ku dartay “Mas’uuliyiinta Somaliland waa in ay si degdeg ah wax uga qabtaan tacaddiyada ka dhaca gudaha xarumaha lagu daweeyo dhimirka.”

Human Rights Watch ayaa sheegtay in tacaddiyadan ay ku ogaatay daraasad ay ka sameysay magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Gabiley, kuna wareysatay in ka badan 115 qof, oo ay ka mid yihiin 47 qof oo looga shakiyay ama qaba xanuunka dhimirka, kuwaas oo xarumo lagu hayay.

XS
SM
MD
LG