Isku xirrada

War Deg-Deg ah

HRW oo booliska Kenya eedeeysay


Human Rights Watch logo
Human Rights Watch logo

Human Rights Watch waxay Nairobi ku soo bandhigtay buug ku saabsan tacadiyada ay bileyska kenya uu ku hayo qaxootiga Soomaalida

Hay’ada Xuquuqda Aadamaha u dooda ee Human Rights Watch ayaa Khamiistii magaalada Nairobi ku soo bandhigtay qoraal ka kooban 99 bog ayay si kulul ugu cambaareysay booliska Kenya ee ka hawlgala xadka Kenya ay la wadaagto dalka deriska la ah ee Soomaaliya.

HRW ayaa warbixinteeda ay ku sheegtay in booliska Kenya uu tacadi xoog leh ku hayo qaxootiga Soomaalida ee u soo tallaabaya dhanka Kenya iyagoo ka soo baxsanaya colaadaha ka jira dalkooda.

Human Rights Watch ayaa xaqiiqda warkeeda sal uga dhigtay wareysiyo lala soo yeeshay ilaa 100 qof oo qaxootiga Soomaalida ka tirsan kuwaasoo dhammaantood qiray tacadiyada baahsan ee ay kala kulmaan booliska xuduuda ilaaliya.

Dadkii la wareystay waxay sheegeen in boolisku uu ugu horeyn weydiisto lacag laaluush ah dadka doonaya inay soo gaaraan xerada qaxootiga ee Dhadhaab ee ah xerada qaxooti ee ugu ballaaran caalamka. Booliska ayaa ciddii bixin weysa lacagaha laaluushka uu qasab ku celiyaa.

HRW ayaa sidoo kale warbixinteeda ku soo bandhigtay in bileysku uu sidoo kale u geysto qaxootiga Soomaalida xarig sharci darro ah, eedeeymo been abuur ah, garaacis iyo haweenka oo ay kufsadaan.

HRW waxay qoraalkeeda ku sheegtay in afartii bilood ee ugu horeysay sanadkan uu bileyska Kenya u diiday dhabihii ay u mari lahaayeen xeryaha qaxootiga ilaa 40,000 oo qaxooti Soomaali ah oo ka soo tallaabay dhanka xuduuda. Taa bedelkeed ay weydiisteen lacago laaluush ah.

Human Rights Watch waxay ugu baaqday dowladda Kenya inay wax ka qabato bileyska tacadiga ku haya qaxootiga magangelyo doonka ah ee Soomaaliyeed.


Ururkaasi xuquuqda aadamaha u dooda ayaa sidoo kale ugu baaqay hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR inay iyaduna kordhiso la socoshadeeda xaaladaha dadka qaxootiga ah.

XS
SM
MD
LG