Isku xirrada

War Deg-Deg ah

HRW: Kenya Yaysan Dib u Celin Qaxootiga


War-saxaafadeed ka soo baxay hay'adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in Somalia aysan ahayn goob nabad ah ool ay ku noqon karaan qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryahah Kenya.

Hay'addu waxay sheegtay in mas'uuliyiinta Kenya aysan dib u celin karin qaxootiga sababo ay ugu wacan tahay dagaallo iyo xad-gudubyo ka dhan ah dadka rayidka oo ka socda goobaha ay ciidamada Kenya iyo maleeshiyada la socota ay xoreeyeen ee ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

Hay'addu waxay sheegtay in Kenya intii ay ku celin lahayd qaxootiga goobahaasi ay taa baddalkeeda dib u furto xarumaha qaxootiga lagu qaabillo ee Libooyo isla markaana ay dib u bilowdo diiwaangelinta qaxootiga cusub ee Kenya galaya.

Daneil Bekele, agaasimaha hay'adda Huma Rights Watch ee Africa ayaa sheegay in dagaalldaa koonfurta Soomaaliya ay wali halis ku yihiin dadka rayidka ah, wuxuuna sidoo kale sheegay in Kenya intii ay tabin lahayd warar been ah oo sheegaya in goobaha xadka ku dhow ay nabad-yihiin, looga baahan yahay inay diirada saarta sidii loo taageri lahaa loona ilaalin lahaa qaxootiga Soomaalida.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa bilihii la soo dhaafay ugu baaqay qaxootiga Soomaalida inay dib ugu noqdaan. Wasiirada arrimaha dibedda iyo amniga ee Kenya ayaa labaduba sheegay in ciidamada Kenya ay Somaaliya dhexdeeda ka sameyeen goob nabad ah oo ay qaxootigu dib ugu noqon karaan.

XS
SM
MD
LG