Isku xirrada

France oo abaal marin siisay 3 Mareykan ah


Bidix illaa Midig: Chris Norman, Anthony Sadler, Madaxweyne Francois Hollande, Spencer Stone, iyo Alek Skarlatos .

Bidix illaa Midig: Chris Norman, Anthony Sadler, Madaxweyne Francois Hollande, Spencer Stone, iyo Alek Skarlatos .

Hollande ayaa u xiray billado Chris Norman oo Britain u dhashay, Spencer Stone, Alex Skarlatos iyo Anthony Sadler oo u dhashay dalka Mareykanka, kadib weerar ay fashiliyeen.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Hollande ayaa maanta oo Isniin ah guddoonsiiyey abaal marinta ugu sareysay dalka Faransiiska muwaadin u dhashay Britain iyo saddex muwaadin oo u dhashay dalkan Mareykanka, doorkii ay ku lahaayeen in laga awood badiyo nin hubeysnaa oo Jimcihii weerar ku qaaday tareen uu saarnaa.

Tareenkaasi ayaa iskaga kala dhex gooshayey magaalooyinka Amsterdam iyo Paris ee dalalka Holland iyo Faransiiska.

Xaflad maanta lagu qabtay magaalada Paris ayuu madaxweyne Hollande u xiray billado geesinimo, Spencer Stone, Alex Skarlatos iyo Anthony Sadler oo u dhashay dalkan Mareykanka, iyo Chris Norman oo Britain u dhasha, isagoo sheegay in ay ka hortageen fal argagixiso ayna muujiyeey farriin wadata geesnimo iyo rajo wanaagsan.

Madaxweyne Holalande ayaa sidoo kale abaal mariyay muwaadin u dhashay Fransiiska oo ah qofkii ugu horeeyay ee ninkan hubeysan ku arkay meel ku dhow suuliga qeybtii uu Tareenka ka saaraa.

Abaal Marintan , Legion De Honor, ayaa ah tan ugu qaalisan dalka Faransiiska. Waxaana la gudoonsiiyaa shaqiyaadka dalkaasi madaniga iyo milatarigaba ka dhex qabta howl dhaxal gal ah ama taariikhi ah.

Abaal marintan waxaa aas aasay hogaamiyihii Faransiiska Napoleon Bonaparte 19kii bishii May sanadkii 1802dii.

Mr. Hollande ayaa ku tilmaamay ninka weerarkaa damacsanaa oo u dhashay dalka Marooko, laguna magacaabo, Ayoub El-Khazzani, shaqi ka tirsan argagixisada.

XS
SM
MD
LG