Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Holland: Soomaali la sii Daayey


Holland: Soomaali la sii Daayey
Holland: Soomaali la sii Daayey

Maxamed Cali Muuse oo dhowr todobaad ka hor lagu qabtay gegida dayuuradaha ee Holland ayaa la sii daayey markii dambi lagu waayey

Maxamed Cali Muuse oo hadda ka hor lagu qabtay isagoo maraya gegida dayuuradaha Schipol ee waddanka Holland kana yimid waddanka Britain oo dhalashadiisa haysto, ayaa maanta la sii daayey markii wax dambi ah lagu waayey.

Maxamed Cali Muuse ayaa sheegay inuu saddexdii cisho ee hore uuna ogeyn waxa lagu haysto, laakiin maalintii saddexaad loo sheegay in xaaskiisu ay soo dacweysay, ciidamada nabad ilaalintana u sheegtay inuu Kampala u dhoofay, isla markaasna uu doonayo inuu "argagixisada" ku biiro.

Wareysiga oo dhameystiran, hoosta ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG