Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Holder oo Ka Hadlay Qaraxyadii Kampala


Waxa uu ku tilmaamay qaraxyadii ka dhacay Kampala wax ka badan dambi la geysto.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee dalkan Maraykanka Eric Holder oo ka qeybgalaya kulan madaxeedka dalalka Midowga Africa ee ka socda magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa hadal dheer ka jeediyay kulankaasi, waxa uuna si weyn uga hadlay xaaladda ammaan ee Geeska Africa gaar ahaan Soomaaliya.

Mr. Holder wuxuu khudbadiisii ku bilaabay salaan uu ka siday madaxweynaha dalkan Maraykanka Barack Obama oo uu u gudbiyay madaxda Africa ee kulan madaxeedka fadhiday, wuxuuna u sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka soo qeybgalo kulanka isla markaana uu u keeno salaam uu ka sido sidoo kale shacabka Maraykanka.

Waxa uu sheegay in madaxweyne Obama uu aqoonsan yahay muhiimada iyo horumarka uu ku tilaaabsanayo

Midowga Africa, isla markaana uu fahamsan yahay in Africa oo xoogeysatay ay la micno tahay Maraykanka oo xoogeysatay. Isla markaana uu qiimeynayo xoojinta iskhaashiga siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee ka dhaxeeya dalalka Africa.

Mr. Holder ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Shir-guddoonka Midowga Afrika Jean Ping sida uu u fududeeyay soo dhoweyn iyo fududeynta in shirka ay ka soo qeybgalaan isaga iyo wafdigiisa.

Mr. Ping ayaa sidoo kale ammaanu jeediyay dowladda Uganda iyo shacabkeeda oo uu sheegay inay 30-kii sano ee la soo dhaafay ay ku tillaabsadeen horumar dhanka sharciga, kala dambeynta adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, dib u dhiska iyo sidoo kale hirgelinta nidaamka dhaqaalaha.

Holder ayaa intaas ka dib u daadegay inuu ka hadlo arrimaha amniga oo loo arko inay tahay tan ugu weyn ee Maraykanka ka soo qeybgelisay shirkaasi Midowga Africa.

Wuxuu sheegay in muddo haatan laga joogo labo todobaad Uganda hurdada lagaga toosiyay Khatar isla markaana baal cutub cusub uga bilaabantay taariikhda. Holder ayaa ula jeeda khatartaasi qaraxyadii lala beegsaday labo goobood oo laga daawanayay ciyaarihii kama dambeysta ee koobka kubbadda Adduunka 11-kii bishan.

Qaraxyadaasoo lagu dilay 76b qof ayuu Mr. Holder ku tilmaamay masiibo soo wajahday dad badan oo nolol farxadeed ku jiray, qaaradda ay ku nool yihiin ee Afrikana ay indhaha Adduunka oo dhan ku soo jeedeen.

Qaraxyadaasi ka dhacay magaalada Kampala waxaa dusha u ridatay kooxda al-Shabaab oo ay sheegtay inay ku ciqaabeyso Uganda ciidamada ay dirtay Soomaaliya.

Eric Holder ayaa ku tilmaamay weeraradaasi kuwo ka culus dambi la geysto, wuxuuna sheegay inay ahaayeen weeraro fuleynimo ah oo lala beegsaday dad aan waxba galabsan. Wuxuu sheegay in kooxda geysatay ay tahay koox xagjir ah oo hareer martay dhaqanka nabadda iyo waxa ay fareyso diinta muqadaska ah. Waa koox aan tixgelin ayuu yiri dumarka iyo xuquuqda Aadamaha.

Xeer ilaaliyaha Guud ee dalkan Maraykanka Eric Holder waxa uu sheegay in Maraykanku uu aqoonsan yahay in soo afjarida hanjabaadda al-Shabaab ay ku hayso caalamka inay qaadan doonto wax ka badan hirgelinta sharciga, taasoo uu ula jeedo inaysan ahayn wax sahlan.

Sababtaasi darteed ayaanu si dhow ula shaqeyneynaa ayuu yiri Midowga Afrika si loo taageero hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Mr. Holder waxa uu sheegay in dalkiisu uu si qoto dheer ammaan ugu soo jeedinayo dalalka ciidamada ugu yaboobahay hawlgaka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Uganda iyo Burundi ay sameeyeen tallaabo geesinimo leh si ay u caawiyaan Soomaaliya.

Eric Holder ayaa sheegay in Maraykanku uu aad u daneynayo horumarka iyo nabadda qaaradda Africa, isagoo sheegay in taasi ay tahay hawl u taalla dowladaha Afrika iyo shacabkooda.

Isagoo soo hadal qaaday booqashadii madaxweyne Obama uu Qaahira ku tegay sanadkii 2009-ka wuxuu sheegay inay bilow u tahay xiriir buuxa iyo iskaashi Maraykanka uu la sameynayo Africa.

Wuxuu ugu dambeyntii ku dhiirigeliyay madaxda dalalka Midowga Afrika in sanadkan ay si weyn uga shaqeeyaan nabadgelyada iyo Amniga, isagoona sheegay in Maraykanku uu barbar taagan yahay.




XS
SM
MD
LG