Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sarkaalkii la Dilay oo Qaraxii Kampala lala Xiriiriyey


Sarkaalkii la Dilay oo Qaraxii Kampala lala Xiriiriyey
Sarkaalkii la Dilay oo Qaraxii Kampala lala Xiriiriyey

Bilaal Al-Berjaawi oo shalay weearar drone ah lagu dilay ayaa lala xiriirinayey qaraxii ka dhacay magaalada Kampala bishii Julay 2010

Ururka Al-Shabab ayaa shalay si lama filaan ah u qiray in la dilay Bilal el-Berjaawi oo ka mid ahaa saraakiisha ugu sarraysa Al-Qaacida ee Soomaaliya. Af-hayeenka Al-Shabab Sheekh Cali Maxamudu Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Bilal Al-Barjaawi uu ku dhintay duqayn ay gaysatay diyaaradaha aan cidina wadin.

Bilal Al-Barjaawi ayaa haddaba lagu tuhunsanaa inuu ahaa xiriiriyihii qaraxii ururka Al-Shabab ay ka gaysteen magaalada Kampala bishii Juulaay 11-keedii 2010-ka. Roland March oo ka mid ah khubarada ugu horreeya ee la socodka Al-Shabab iyo Al-Qaacidada Bariga Afrika ayaa VOA u sheegay Bilal el-Berjaaiw uu ahaa ku xigeneka ururka Al-Qaacida ee Braiga Afrika, waxaana uu si dhow ula soo shaqeeyey Hoggamaiyihii Al-Qacaida ee Bariga Afrika Fazul Cabdalla Maxamed oo bishii Juun ee sanandkii hore ay ciidamada dawladda Soomalaiya ku dileen duleedka Muqdishu.

Hoos ka dhagayso warbixintan

XS
SM
MD
LG