Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hogaamiye al-Qaacida oo Somalia lagu Dilay


Hogaamiye al-Qaacida oo Somalia lagu Dilay
Hogaamiye al-Qaacida oo Somalia lagu Dilay

Mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa sheegay inay dileen nin la aaminsan yahay inuu yahay hoggaamiyihii ururka Al-Qaacida ee bariga Afrika

Mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa sheegay inay dileen nin la aaminsan yahay inuu yahay hoggaamiyihii ururka Al-Qaacida ee bariga Afrika kadib iska horimaad ka dhacay magaalada Muqdishu.

Fazul Abdullah Mohammed ayaa la aamisan yahay inuu door weyn ka ciyaaray qaraxii lala beegsaday safaaradaha Maraykanka ee Bariga Afrika. Maraykanka ayaa abaalmarin dhan $5 milyan oo dollar saaray madaxiisa.

Saraakiisha Soomaalidu waxay sheegeen iyo qof kale oo laga shakisan yahay la dilay dhowr maalmood ka hor bar kontorool oo u dhow Muqdishu.

Booliisku waxay sheegeen in Fazul oo kumannaan kun oo dollar watay uu watay kaarar kala duwan oo aqoonsi ah iyo dokumentiyo uu ka mid yahay baasaboor dalka Afrikada Koonfureed uu leeyahay.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Hillary Clinton, oo ku sugan Tanzania ayaa Sabtidii sheegtay in dilka Fazul uu dharbaaxo weyn ku yahaya Al-Qaida.

XS
SM
MD
LG