Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hillary Clinton oo Taariikh Cusub u Dhigeysa Mareykanka


APTOPIX DEM 2016 Clinton
APTOPIX DEM 2016 Clinton

Xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Mareykanka Hillary Clinton ayaa sameyneysa taariikh cusub, ayada oo noqoneysa haweeneydii ugu horreysay ee mid ka mid ah labada xisbi ee ugu weyn Mareykanka uu u doorto inay doorashada madaxweynaha u tartanto.

Clinton ayaan si ramsi ah loogu dooran doonin musharax xisbiga Dimoqraadiga, illaa laga gaaro kulanka guud ee xisbiga ee Bisha July, hase yeeshee waxa ay heshay 2,383 wufuud ee loo baahan yahay, ayada oo ka adkaatay Senator Bernie Sanders.

John Hudak oo ah agaasime ku xigeenka xarunta maareynta ee machadka Brookings ayaa VOA u sheegay in muhiimadda taariikhda ay hoos u dhigeyso xaqiiqda ah in Clinton ay markii horeba ahayd qof caan ah, islamarkaana la filayey inay ku guuleysto loolanka xisbiga dimoqraadiga.

Clinton ayaa feejignaan muujisay habeenkii isniintii markii ay soo baxday guusheeda, waxayna sheegtay in lix gobol ay weli harsan yihiin inay codeeyaan islamarkaana ay u dagaalami doonto inay hesho cod kasta oo ka mid ah kuwa harsan.

Dhammaan gobollada harsan ee uu ugu weyn yahay gobolka California ayaa codeyn doona maanta.

XS
SM
MD
LG