Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hillary Clinton Oo Guul Taariikhi ah Gaartay


Hillary Clinton
Hillary Clinton

Hillary Clinton ayaa xalay xaqiijisay inay tahay musharaxa xisbiga Dimoqraadiga ee dooraashada madaxtinimada Mareykanka, ayada oo noqoneysa haweeneydii ugu horreysay ee matasha mid ka mid ah labada xisbi ee ugu weyn dalka Mareykanka.

Clinton ayaa doorashooyinkii xalay dhacay ka gaartay guulo weyn ayada oo ku guuleysatay gobollada California, New Jersey, New Mexico iyo South Dakota, halka Senator Bernie Sanders oo la loolmayey uu ku guuleystay gobollada Montana iyo North Dakota.

Dhinaca xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump, oo aysan jirin cid la loolmaeysay ayaa ku guuleystay dhammaan lixdii gobol ee xalay doorashooyinka ay ka dhaceen ee California, New Jersey, New Mexico, Montana, North Dakota iyo South Dakota.

Hillary Clinton, ayaa waxa ay wajihi doontaa musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, waxaana labadaba musharaxba iminka sugaysa inay mideeyaan labadooda xisbi ee kala qeybsan.

Clinton ayaa shaqada ugu weyn ee sugeysa ay tahay inay ka dhaadhiciso taageerayaasha Bernie Sander ee xamaasadeysan inay taageeraan kuna soo biiraan ololaheeda.

XS
SM
MD
LG