Isku xirrada

Hillary Clinton oo Booqatay Suudaanta Koonfureed


Hillary iyo madaxwyne Salva Kiir

Hillary iyo madaxwyne Salva Kiir

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Hillary Clinton ayaa ku boorinaysa labada Sudan inay xal ka gaaraan muranka u dhaxeeya ee labada dal qarka u saaray inuu dagaal dhexmaro.

Clinton ayaa hadalkan ka sheegtay kadib safar gaaban oo ay maanta ku tagtay caasimadda Suudaanta Koonfureed ee Jubba halkaasi oo ay kula kulantay madaxweyne Salva Kiir. Clinton waxay sheegtay in labada dhinacba u baahan yihiin tanaasul si ay u dhameeyaan arrimaha dhexdooda yaalla, gaar ahaan waxay ku boorisay inay labada dhinacba heshiis ka gaadhaan qabsiga dakhliga saliidda.
.

Sarkaal Maraykanka ah oo safarkan ku weheliya Clinton ayaa sheegay in khilaafka qaraar ee u dhaxeeya labada Sudan ee dhulka iyo saliida la isku haysto uu halin ku yahay dhaqaalaha labada dal.
XS
SM
MD
LG