Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hiiraan: Maamul goboleed kale oo lagu Dhowaaqay


Hiiraan: Maamul goboleed kale oo lagu Dhowaaqay
Hiiraan: Maamul goboleed kale oo lagu Dhowaaqay

Dhismaha maamul goboleedka Dooxada Shabeelle wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maamul-goboleedyo kale horey loogu dhisay gobolkaasi Hiiraan.

Waxaa maalintii Isniinta ahayd ee todobaadkan deegaanka Kalabayr ee gobolka Hiiraan looga dhawaaqay maamul goboleed la magac baxay Dooxada Shabeelle. Maamul goboleedkaasi ayaa leh madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen.

C/fataax Xasan Afrax oo loo doortay hogaamiyaha maamulkaasi ayaa sheegay in xilkaasi ay u doorteen dad ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

C/fataax oo ku sugan degmada Jawiil ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in maamulkiisu uu wax ka qaban doono dhibaatooyin uu sheegay in gobolka ay ka jiraan. Isagoo sheegay in kala dambeynta iyo amniga laga shaqeyn doono.

XS
SM
MD
LG