Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Heshiiska Addis Ababa oo la soo dhaweeyay


Ahmadou Cabdalla
Ahmadou Cabdalla

Ergayga gaarka ah XGQM ee Somalia Axmadou Walad Cabdalla iyo Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay saxiixdeen DKMG iyo Ahlu-Sunna

Ergayga xogahayaha guud ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa ugu qaabilsan dalka Somalia Axmadou Walad Cabdala ayaa waxaa uu ugu hambalyeeyay dawladda KMG ah iyo ururka Ahlu Sunna in ay heshiiskan saxiixdeen iyaga oo eegaya danaha dadka Somalida iyo qarankaba, oo isla markaasna xeerinaya sharaftooda iyo sidii nabaddi ay uga aslaaxi lahayd gobolkaasi.

Axmadou Wxuxuu intaasi ku daray in heshiiskan cusubi uu yahay tilmaan muujinaysa in ay arrimaha Somalia ay wax iska beddeli karayaan oo waa sida uu hadalka u dhigaye ay waxna iskaba bedelayaan

Wakiilka xoghayaha guud ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa ugu qaabilsan Somalia waxaa uu yididiilo ka muujiyay in ay marba marka ka dambaysa uu sii yaraanayo waxa uu ku tilmaamay xayndaabkii ku gudbanaa xasiloonidda dalka Somalia

Heshiiskan ay gaadheen labada dhinac ayaa waxaa uu dhigayaa in ay ciidamadooda ay mideeyaan si ay wada jir ugagaga hor tagaan maleeshiyaadka ururuka Al-shabaab ee gacanta ku haya inta badan koonfurta Somalia, waxaana kale oo ay Ahlu Sunna ay ku helayaan in ay qayb ku yeeshaan gollaha wasaarada ee DKMG, inkasta oo aan shalay shaaca laga qaadin wasiirrada ay ku heli doonaan.

Sidoo kale Sarkaal sare oo u hadashay Midawga Yurub ayaa iyaduna soo dhawaysay heshiiska ay shalay magaalada Addis-ababa ku gaadheen dawlada ku meel gaadhka ah ee Somalia iyo ururka Ehlu Sunna Wal Jamaaca.

Gudoomiye ku xigeenka guddiga reer Yurub Catherine Ashton ayaa heshiiska lagu gaadhay magaalada Addis ababa waxa aay ku tilmaantay inuu yahay talaabo muhiim ah oo loo qadaday sidii loo balaadhin lahaa dib u heshiisiinta dalka Somalia ee loona taageeri lahaa heshiiskii lagu gaadhay Djibouti

Catherine waxay ugu baaqday dhamaanba dhinacyadu in ay hir geliyaan heshiiskan oo ay Midawga Yurub-na taageeri doonaan

Gudoomiye-kuxigeenka Guddiga Yurub waxay u mahad celinsay dhinacyadii gacanta ka gaystay heshiiskan, gaar ahaana Midowga Africa, IGADD iyo Qaramada Midoobay.

XS
SM
MD
LG