Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Heshiis Dhex Maray Jabuuti Iyo Shiinaha


Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka mid ah maanta saxiixay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle

Dowladda Jabuuti iyo in ka badan 20 shirkad oo laga lee yahay dalka Shiinaha ayaa maanta heshiis ku kala saxiixday magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo la hadlay VOA ayaa sheegay in heshiiskan uu laba qeyb ka koobnaan doono, oo mid uu yahay in lacagta Shiinaha ay ka mid noqoto lacagaha la isku weydaarsado Shiinaha, iyo in warshado iyo shirkado ganacsi ay Shiinaha ka hir-geliyaan Jabuuti.

Madaxweyne Geelle waxa uu sheegay in warshadaha ay Shiinaha ka dhisayaan Jabuuti ay abuuri doonaan toban illaa shan iyo toban kun oo Shaqooyin ah, oo dadka Jabuuti ay ka faa’iideysanayaan.

Madaxweyne Geelle ayaa dhinaca kale ugu baaqay madaxda Soomaaliya ee isku afgaran waayey shirkii Madasha Kismaayo inay dib isugu laabtaan oo ay heshiis gaaraan.

Ramadaan Muuse ayaa warbixintan kasoo diray Jabuuti.

Heshiis Dhex Maray Jabuuti Iyo China
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:17 0:00


XS
SM
MD
LG