Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Heritage: 51% Ayaa Doonaya Hab Beeleed


Heritage
Heritage

Cilmi-baaris uu sameeyey machadka Heritage ayaa waxaa kasoo baxay in 51% ay dadka doonayaan in hab-beeleed wax lagu soo xulo 2016-ka.

Machadka cilmi baarista ee Heritage ayaa soo bandhigay natiijada cilm-baaris laga sameeyey magaalooyin ka mid ah Soomaaliya, oo ku saabsan qaabka lagu soo xuli karo xildhibaannada Soomaaliya ee sanadda 2016-ka.

Xog uruurintan waxa la sameeyay inta u dhexeysay 14-kii October iyo 17-kii November 2015, sida uu sheegay machadka Heritage.

Waxaa xog uruurintan ka qeyb qaadatay 1287-da qof . 360 waxa ay degen yihiin Muqdisho, 227 waxaay ku nool yihiin Garoowe, 231 waxa ay ku sugnaayeen koonfurta Gaalkacyo, 237 waxa ay ku noolaayeen Baydhabo, iyadoo 232 ay ku sugnaayeen Kismaayo.

Cilm-baaristan Heritage ayaa waxaa kasoo baxay in, in ka badan kala bar (51 boqolkiiba) dadka ay sheegeen in odayaasha dhaqanka ama in waxgaradka beel kasta (clan constituency assembly) ay yihiin habka xulidda oo ay door bidayaan.

In ka badan 27 boqolkiiba oo dadkaasi kamid ah ayaa ku jawaabay in ay doonayaan in odayaasha dhaqanku ay soo xulaan xildhibaannada sidii ay usoo xuleen 2012, halka ku dhawaad afar meelood meel ay doorbidayaan in waxgaradka beeluhu ay soo xulaan xildhibaannada, sida cilmi-baarista lagu ogaaday.

Sida ay leedahay Heritage, hab xulid ku saleysan gobollada/maamul goboleedyada ama degmooyinka ayaa sidoo kale ahaa hannaan ay doorbidayeen qaar badan oo ka mid ah dadkii xog uruurinta laga sameeyay.

41 boqolkiiba ayaa door bidday degmooyin ama maamul goboleedyada/gobollada in lagu saleeyo metalaadda intii qabiil lagu saleyn lahaa. Ku dhawaad afar meelood meel (22 boqolkiiba) waxa ay sheegeen in ay doonayaan in degmooyinka lagu saleeyo soo xulidda xildhibaannada, halka (19 boqolkiiba) ay doorteen in soo xulista xildhibaannada lagu saleeyo maamul goboleedyada.

79% dadkii su'aalaha la weydiiyey ayaa sidoo kale ku raacay dowladda Soomaaliya hadalkeedii ahaa in doorasho qof iyo cod aysan sanadda 2016 ka dhici karin Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG