Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pakistan: Qarax Ay Ku Dhinteen 23 Qof


Ugu yaraan 23 qof ayaa ku dhimatay 55 kalana way ku dhaawacmen kaddib markii uu qarax shalay ka dhacay suuq dharka lagu iibiyo oo ku yaalla waqooyi-galbeed dalka Pakistani.

Qaraxan ayaa ka dhacay magaalada Parachinar oo ku taalla bartamaha gobolka Kurram ee u dhow xuduudka uu dalka Pakistan la wadaago dalka Afgaanistaan.

Amjad Ali Khan, oo arrimaha siyaasadda u qaabilsan gobolka Kurram ayaa wakaaladda wararka ee Faransiiska u sheegay in bamka qaraxay uu ahaa mid lagu soo qariyey boorso looga tagay gudaha suuqa uu qaraxu ka dhacay.

Mas’uuliyadda qaraxan ayaa waxaa sheegatay koox dowladda Pakistaan ay horay mamnucday oo ka tirsan Sunniyiinta dalka Pakistaan.

Gobolka Kurram ayaa la sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyey ay ka dhaceen dagaallo u dhaxeeya Muslimiinta Sunniyiinta iyo Shiicada oo horseeday geerada dad badan.

XS
SM
MD
LG