Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hargeysa: Xubnihii Garsoorka oo Xilkii laga Qaaday


Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Silaanyo ayaa xilalkii ka qaaday xubnihii garsoorka oo uu ku jiro guddoomiyihii maxkamadda sare.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta golaha wakiilada u sheegay inuu xilkii ka qaaday xubnihii garsoorka oo uu ku jiro guddoomiyihii maxkamadda sare Maxamed Xirsi Oomane.

War saxaafadeed uu soo saaray madaxweyne Siilaanyo ayaa sidoo kale uu ku magacaabay lix xubnood oo la wareegaya hawsha garsoorka.

Madaxweyne Silaanyo ayaa sheegay in tallaabadaasi ay qeyb ka tahay isbedel lagu sameynayo garsoorka, ka dib markii sida uu sheegay ay cabasho badanka timid.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka qeybgalay xaflad xarigga looga jarayay dhisme cusub oo loo dhisay golaha wakiilada.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa u hambalyeeyay xildhibaanada, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in kaabis iyo wax ka bedel lagu sameeyo sharciga furashada axzaabta siyaasadeed.

XS
SM
MD
LG