Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hargeysa: Wasiirkii hore ee Maaliyada oo la weeraray


Hargeysa: Wasiirkii hore ee Maaliyada oo la weeraray
Hargeysa: Wasiirkii hore ee Maaliyada oo la weeraray

Wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland Cawil Cali Ducaale ayaa weerar lagu qaaday gurigiisa. Weerarkaasi waxaa ku dhintay askari ilaalo ah.

Weerarka oo dhacay shalay subaxdii ayaa Wasiir Cawil waxaa uu VOA u sheegay in 3 nin oo baabuur cad wattay ay gurigiisa soo hor istaageen.

Mid ka mid ah nimanka baabuurka saaran ayaa soo degay oo albaabka guriga soo galay, halkaasi oo askari ilaalo ah uu hor istaagay.

Hase ahaatee wasiirka ayaa tilmaamay in qofkaasi guriga soo galay uu Baastoolad la soo baxay oo uu toogtay askariga ilaalada ahaa.

Cawil Cali Ducaale ayaa tilmaamay in uu garanayo ninka dilka gaystay oo hore uga mid ahaa ilaaladiisa gaarka ah, kaasi oo uu shaqada ka fadhiisay muddo sanad ka hor ah.

Taliyaha ciidanka Booliska ee Somaliland Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) ayaa VOAda u sheegay in ay ku daba jiraan kooxdii falkaasi gaystay, waxaana uu tilmaamay in ay saxaafadda u soo bandhigi doonaan dhamaan xogta la xidhiidha dilkaasi.

Waraysiga wasiirka oo faahfaahsan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG