Xisbiga UDUB ayaa ka baxay guddi ka soo talo bixiya furashada xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland, kaasoo uu dhowaan magacaabay madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.
Xisbiga UDUB ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay lahaa kulamo ay kaga arrinsanayeen arrinta guddigan.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ahna ku simaha guddoomiyaha Xisbiga UDUB ayaa sheegay in xisbigu uu ka carooday in dibadda loo saaro xubnihii ay ku darsadeen guddigaasi, oo uu ka mid ahaa Yuusuf Tallaabo Ciise.