Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hargeysa: Shirweynaha Culimada oo Furmay


Hargeysa: Shirweynaha Culimada oo Furmay
Hargeysa: Shirweynaha Culimada oo Furmay

Shirweynahan culimada waa kii ugu horreeyay noociisa ee ka dhaca Somaliland, ee looga hadlo arrimaha la xiriira Xagjirnimada.

Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland waxaa ka furmay shirweyne ay yeelanayaan culimaa'uddiinka, kaasoo looga hadlayo xagjirinimada.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah culimaa'uddiinka gobollada Somaliland, ayaa waxa uu socon doonaa muddo saddex cisho ah, waxaana looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin Argagixisinimimada, Xagjirinimada, ku talaxtegidda fikradaha iyo siyaabaha looga hortegi karo iyo waxyaabaha ka dhalan kara.

Shirweynahan waxaa iska kaashaday xarunta daraasaadka ee magaalada Hargeysa iyo wasaaradda diinta iyo Aw-qaafta.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici oo ka qeybgalay furitaanka shirkaasi ayaa sheegay in xukuumaddu ay ka go'an tahay soo saarista siyaasad lagula dagaallamo xagjirnimada.

Wuxuuna sheegay in xukuumaddu ay kala shaqeyn doonto culimada sidii loo heli lahaa xalka arrinta xagjirnimada.

XS
SM
MD
LG