Magaalada Hargeysa waxaa heshiis ku kala saxiixday labo beelood oo inka badan 40 sano ku dagaalamayay deegaanka Ceel-Bardaale ee u dhaxeeya Dila iyo Gebilay.
Maamulka Somaliland ayaa u saaray guddi ka kooban 5 xubnood oo kala ah wasiirada arrimaha gudaha, arrimaha dibadda, Duulista Hawada, Caddaaladda iyo Gaashaan dhigga si ay uga hawlgalaan hirgelinta heshiiskan.
Odayaasha labada dhinac ayaa ballanqaaday in heshiiskan ay la saxiixay ay si buuxda u taageersan yihiin, ayna ka wadashaqeyn doonaan sidii ay u hirgelin lahaayeen.
Colaadda deegaanka Ceel-Bardaale waxaa ay ka bilaabantay khilaaf ka dhashay xagga daaqsinka.