Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hargeysa: Guddoomiyihii Hore ee Bankiga oo Safar laga Xannibay


Hargeysa: Guddoomiyihii Hore ee Bankiga oo Safar laga Xannibay
Hargeysa: Guddoomiyihii Hore ee Bankiga oo Safar laga Xannibay

Xannibaadda la saaray Guddoomiyihii hore ee Bankiga Somaliland waxay qeyb ka tahay la xisaabtan lagu sameynayo xukuumaddii hore.

Hanti Dhowrka Guud ee Maamulka Somaliland Maxamuud Aw-Cabdi ayaa xannibaad ku soo rogay guddoomiyihii hore ee Baniga inuu safar dibadda ah u ambabaxo inta ay socoto baartaanno la xiriira deymaha lagu leeshay xukuumaddii hore ee Soomaaliland.

Arrintan xannibaadda ah ayaa ka dambeysay ka dib markii xukuumadda cusub ee maamulka Soomaaliland ay bilowday la xisaabtan ay ku sameyneyso qaar ka mid ah saraakiishii maamulkii hore ee Soomaaliland.

Guddoomiyihii hore ee Bankiga maamulka Soomaaliland C/raxmaan Ducaale ayaa sheegay in xannibaaddiisa uu u arko mid sharaftiisa wax loogu dhimayo iyo inay tahay aargoosi siyaasadeed oo ay xukuumadda cusubi sameyneyso.

XS
SM
MD
LG