Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo Lagu Dhawaaqay Maalinta Doorashada


Somaliland oo Lagu Dhawaaqay Maalinta Doorashada
Somaliland oo Lagu Dhawaaqay Maalinta Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in 26 June ee sanadkan ay qabsoomi doonto doorashadu.

Gees kalena waxaa maanta Gobolada Somaliland ka bilaabantay hawsha qaybinta Kaadhadhka codbixinta.

In ka badan 1100 goobood ayaa la filayey in maanta oo Khamiis 7:00 aroornimo albaabada loo furo balse waxaa ku yimi dib u dhac.

Af hayeenka Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland Axmed Maxamed Xirsi Geelle ayaa ku tilmaamay dib u dhacaasi in uu yahay mid farsmo , isla markaasina ay dib u sixi doonaan.

Meelaha uu dib u dhacu ku yimid waxaa ka mid ah goobo ku yaalla Hargesya, inkasta oo uu Af Hyeenku Sheegay in la bilaabyo.

Dadweyne tiro badan ayaa Hargeysa iyo magaalooyin kaleba isugu soo baxay si ay uga qayb galaan qaadashada Kaadhadka codbixinta.

XS
SM
MD
LG