Isku xirrada

War

Hargeysa: 6 Ruush ah oo Maxkamadda markale la Horkeenay


Hargeysa: 6 Ruush ah oo Maxkamadda markale la Horkeenay

Hargeysa: 6 Ruush ah oo Maxkamadda markale la Horkeenay

Maxkamadda Hargeysa ayaa maanta markale la horkenay 6 nin oo Ruush ah oo ahaa Duuliyaha iyo shaqaalaha diyaaradda lagu xannibay Hargeysa

Maxkamadda Hargeysa ayaa maanta markale waxaa ka bilaabantay dacwadda Lix nin oo u dhashay Ruushka oo ahaa Duuliyayaashii iyo shaqaalihii diyaarad alaabooyin milateri u sidday Puntland.

Diyaaradaasi ayaa 10-kii bishan lagu qabtay laguna xannibay madaarka Hargeysa. Xeer ilaalilnta Somaliland ayaa raggan ku soo oogay dacwaddo kala gedisan oo ay ka mid yihiiin inay ku xadgudbeen hawada Somaliland, inay ka beensheegeen waxa ay sidaan, alaabooyin milaterina u sideen ciidamo ka soo horjeeda Somaliland isla markaana alaabooyinka ay sidaan ay yihiin kuwo laga mamnuucay in Soomaaliya la geeyo oo cunaqabatayni ka saaran tahay

Xeer-ilaalinta Somaliland ayaa maxkamadda horkeentay afar markhaati oo u marag fura dacwadda ay nimankan ku haysato, balse Lixda nin ee Ruushka ah iyo Garyaqaanka u doodayey Khadar Maxamed Guuleed ayaa iyagu tilmaamay inaanay wax dembi ah lahayn

Maalinta Sabtida ah ayaa maxkamaddu dhageysan doontaa is-difaacidda nimanka Ruushka ah.

XS
SM
MD
LG