Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hargaysa: Xadeynta Musharaadka Dowladda


Hargaysa: Xadeynta Musharaadka Dowladda
Hargaysa: Xadeynta Musharaadka Dowladda

Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa maanta soo saaray xeerkii ugu horreeyay ee xadeynaya musharka ay qaataan madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo golayaasha sharci dejinta.

Sidoo kale Golaha ayaa maanta isku raacay baaq ay xukuumadda u jeedinayeen inay mushaharka u kordhiso shaqaalaha dowladda iyo ciidamada.

Fadhiga waxaa maanta ka qeybgalay 53 mudane waxaa guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada ee Somaliland Baashe Maxamed Faarax.

Waxaa go'aanka mushahar kordhinta shaqaalaha iyo ciidamada dowladda isku raacay 52 xildhibaan. Xeerka xadeynta mushaharka madaxda dowladdana waxaa isku raacay 47 xildhibaan, 4 ayaa diiday, iyadoo uu guddoomiye ku xigeenku uu ka aamusay, guddoomiyuhuna uusan codeyn.

Sida ku cad xeerka kala xadeynta mushaharka madaxda dowladda iyo sharci dejinta, Madaxweynaha Somaliland wuxuu gunno iyo mushahar ahaan bishiiba u qaadan doonaa 68,000,000 oo Shilinka Somaliland, ku xigeenkiisuna wuxuu qaadan doonaa 48,000,000 shilinka Somaliland ah.

Xildhibaanada Golayaasha ayaa iyagana sida uu xeerku tilmaamayo ay qaadan doonaan inay bil walba qaadan doonaan 8,000,000 oo shilinka Somaliland ah.

Xidhibaan Maxamed Nuur Carraale oo ka mid ah xildhibaanada ka soo horjeeda mushahar kordhinta ayaa sheegay inaysan wax maslaxadi ah ku jirin mushahar kordhin la sameeyo, iyadoo loo baahan yahay ayuu yiri in arrimihii la xiriiray baahiyaha bulshada wax lagu qabto.

Xildhibaan Jaamac Ibraahim Rayte oo ka mid ah xildhibaanada xeerka mushahar kordhinta taageersan ayuu ku tilmaamay tallaabadan mid lagaga hortagayo musukhmaasukha.

XS
SM
MD
LG