Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hargaysa: Hoggaamiye Dhaqameed la Xiray


Hargaysa: Hoggaamiye Dhaqameed la Xiray
Hargaysa: Hoggaamiye Dhaqameed la Xiray

Sarkaal ka tirsan booliska ayaa ku eedeeyay Boqor Raabi inuu ku dhaqaaqay tallaabo ka dhan ah maamulka Somaliland.

Bileyska Somaliland ayaa xaqiijiyay in ay xireen mid ka mid ah hogaamiye dhaqameedka Somaliland, ka dib markii ay ku eedeeyeen inuu ku dhaqaaqay tallaabo ka dhan ah maamulka.

Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi waxaa lagu eedeeyay inuu aflagaaddo u geystay maamulka, isla markaana ku baaqay shir ay isugu yimaadaan oday dhaqameedyada Somaliland.

Xarigga hogaamiye dhaqameedkaasi waxaa cambaareyn u jeediyay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud (Buur Madow) oo ku hadlayay magaca odayaasha dhaqanka ee Somaliland.

Wuxuu sheegay in xarigaasi uu yahay mid ku qalafsan nidaamka dimoqraadiyadeed ee Somaliland iyo xorriyadda hadalka iyo sharafta oday dhaqameedka.

XS
SM
MD
LG