Wareysi uu Sweden ku siiyay weriyaha VOA Cabdiraxmaan Caynte ayuu Axmadou Walad ku sheegay in aanayn habooneyn in xaallada Somalia laga eego oo kaliya hal dhinac, taasoo uu ula jeedo farqiga siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda dowladda.
Wallad Cabdalla, wuxuu taageeray go'aankii uu madaxweyne Shariif ku kala diray dowladda Sharma'arke. inkastoo oo uu madaxweynuhu ka noqday go'aankaasi, balse Cabdalla wali wuxuu ku adkaysanayaa inuu go'aankaasi ahaa mid loo maray xilligaasi wadada saxda ah si loo xaliyo khilaaf aan loo baahneyn oo xiligaasi jiray.
Ergayga gaarka ah ee XGQM, wuxuu soo jeediyay in magaca KMG ah ee dowladda la baddalo. Cabdalla wuxuu xusay in Soomaaliya ay tahay dal xor ah, si ay dhibaatada uga baxdona waxaa haboon ayuu sheegay in magacaasi KMG ah la beddelo, amma dowladda waqtiga ha loo kordhiyo amma ayaan loo kordhin, Soomaalidu waa inay fursadaasi ka faa’iideysataa ayuu yiri.
Walad Waxa uu sheegay in haatan uu waqtigiisa ergonimo uu dhammaanayo, isagoo xilkaasi soo hayay inka badan 2 sano iyo 9 bilood. Waxa uu sheegay inuusan ahayn ergay joogta ah balse uu yahay mid KMG.
Dhinaca kalena, C/risaaq Cumar Maxamed oo ah madaxada Dalada Somali Cause ayaa sheegay in Axmadou Walad Cabdalla uu door fiican ka ciyaariyay isku keenidii iyo heshiisiintii garabkii ARS iyo garabkii kale ee Dowladdii C/laahi Yuusuf, kuwaasoo shir muddo ka socday Djibouti kadib ku dhisayn dowladda haatan jirta ee madaxweyne Sheekh Shariif hogaamiyo.