Isku xirrada

Wareysi: Hadliye oo Beeniyey inuu Heshiis la Galay Norway


Cabdisalaam Hadliye, wasiirka Arrimaha Dibedda

Cabdisalaam Hadliye, wasiirka Arrimaha Dibedda

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa wax kama-jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in heshiis lagu celinayo qaxooti Soomaaliyeed uu kula saxiixday magaalada Oslo dawladda dalka Norway oo dhowaan uu shir uga qayb-galay.

Waxaa kaloo Wasiirku uu wada hadalo ku saabsan xerada dhadhaab kula qaatay magaalada Nairobi Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya.

Wariyaha VOA-da ee London, Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa kula xiriiray khadka taleefanka ee magaalada Muqdisho, waxaana ugu horrayn uu ka hadlayaa shirka uu la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda.

XS
SM
MD
LG