Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Weerar ku Dilay Dulyadeyn


Ciidamada
Ciidamada

Sarkala sare oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab, ayaa lagu dilay howl-gal milatari oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya, sida ay maanta sheegeen sarakiil iyo dadka deegaanka.

Ciidamada Mareykanka ay tababareen ee Soomaalida ee lagu magacaabo Danab ayaa dilay Maxamed Maxamuud oo sidoo kale loo yaqaan Dulyadeyn, kaasi oo madax ka ahaa Amniyaatka Al-Shabaab.

Dulyadeyn ayaa lagu warramay in lagu dilay tuulad Buula-Gaduud. Waxaa sidoo kale lala dilay laba sarkaal oo kale oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxyo dhowr ah iyo rasaas culus xalay saqdii dhexe laga maqlay Buulo-Gaduud, ayna aroortii hore arkeen ciidamada Soomaalida oo qaadaya meydad.

Sarkala sare oo Soomaali ah, oo magaciisa qariyey ayaa sheegay in diyaraadaha qumaatiga u kaca ee Mareykanka ay gantaallo ku dhufteen baabuur uu saarnaa Dulyadeyn.

Kooxda Al-Shabaab ayaan weli ka hadlin weerarkan.

Cabdirashiid Xassan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan) oo ah Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland ayaa qaabka uu u dhacay howlgalka uga warramay Wariyaha VOA Khadar Maxmuud Xareed

Dulyadeyn oo la dilay
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:32 0:00

XS
SM
MD
LG