Isku xirrada

War

Guddoomiyihii Maxkamadda Sare oo Muqdisho lagu aasay


Guddoomiyihii Maxkamadda Sare oo Muqdisho lagu aasay

Guddoomiyihii Maxkamadda Sare oo Muqdisho lagu aasay

Madaxda dowladda KMG ah ayaa si wadajir ah uga qeybgalay aaska guddoomiyihii maxkamadda sare.

Waxaa maanta Muqdisho lagu aasay Allaha u naxariistee guddoomiyihii Maxkamadda Sare Marxuum Maxamuud Faarax Cumar (Indho Buur) oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa u geeriyooday xanuun uu la jiifay dhowrkii bilood ee u dambeeyay, waxaana loo sameeyay aas qaran. Madaxweynaha dowladda KMG ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo ra'iisal wasaaraha xukuumadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si wadajir ah uga qeybgalay aaska.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhowaaqay xaalad baroordiiq ah oo dalku ku jirayo muddo saddex maalmood ah, waxaana meel dhexe la keenay calanka Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG