Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laascaanood: Xaakim Sare oo la Dilay.


Laascaanood: Xaakim Sare oo la Dilay.
Laascaanood: Xaakim Sare oo la Dilay.

Kooxo hubeysan ayaa Maqribnimadii Isniintii (March 14, 2011) bartamaha Laascaanood ku dilay guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Sool.

Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool Axmed Suleymaan Geelle ayaa Isniintii salaaddii Maqrib ka dib lagu dilay gudaha magaalada Laascaanood.

Saraakiil ka tirsan maamulka Soomaaliland ayaa VOA u xaqiijiyay dilka mas'uulka oo ay sheegeen in kooxo hubeysan ay ku toogteen bartamaha magaalada.

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay inay goobta ka baxsadeen.

Magaalada Laascaanood ayaa hadda ka hor dilal loogu geystay saraakiil ka tirsana ciidanka maamulka Somaliland.

XS
SM
MD
LG